U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Ku Dhaawacantay Bam Lagu Tuurey Maxkamad Ku Taalla Boosaaso

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in goor dhow Bam gacmeed lagu weeraray xarunta maxkamadda Darajada Koowaad ee magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey Saddex ruux ayaa ku dhaawacantay Qaraxaasi, iyadoo la sheegay iney baxsadeen raggii ka dambeeyay weerarkaasi,  sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah.

Xilliga qaraxan uu dhacayey ayaa la sheegay in xarunta maxkamadda ay dad badan ku sugnaayeen, waxaana la sheegayaa maanta si caadi ah ay u socotey shaqadii maxkamadda.

Ciidamada ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa qaraxaasi kadib waxa ay bilaabeen howlgal ay ku baadigoobayaan raggii weerarkaasi ka dambeeyey.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa ahaa mid maalmahan dambe aad uga sii darayey, waxaana magaalada kusoo kordhay qaraxyada iyo sidoo kale dilalka qorsheysan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News