U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Ku Geeriyootey Qarax Ka Dhacay Magaalada Boosaaso, Bari

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in  halkaasi goor dhow uu ka dhacay Qarax Bam, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacv isugu jira.

Bamkaan qarxay ayaa lagu tuuray sida la sheegay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo bartamaha magaaladaasi ku sugnaa.

Goob jooge ayaa inoo xaqiijiyey in halkaasi ay ku dhinteen Saddex qof oo shacab ay ku jiraan, waxaana ku dhaawacmay 10 kale.

Ciidamo badan oo Puntland ah ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, waxaana soconaya howlgal ballaaran.

Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso waxaa loola cararay dadkii ku dhaawacmay qaraxan, iyadoo weli xaalad kacsanaan ah la dareemayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News