U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Lagu Diley Gobolka Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa Saddex ruux aano qabiil loogu diley deegaanno hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi.

Dabley hubeysan ayaa la sheegay iney dileen dadkan oo meel ku wada sugnaa, waxaana halkaasi ku dhaawacmay Hal qof kale.

Goob jooge ku sugan degmada Aadan Yabaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in deegaanno ku dhow degmadaasi maanta laga dareemayo xiisad dagaal oo u dhaxeysa beelo halkaasi wada deggan.

Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe weli kama aanu hadal dilkaan ka dhacay degmadaasi iyo sidoo kale xiisaddan u dhaxeysa beelahan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News