U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Nafaqo Darro Ugu Geeriyootey Muqdisho

Sheeko:Dalka

Saddex ruux ayaa nafaqo darro waxay ugu geeriyoodeen Kaamka Daryeel, degmada kaxda ee magaalada Muqdisho, kadib markii aysan helin wax ay cunaan muddo Todobaad ah.

Dadkan dhintey oo carruur ah ayaa la sheegay in waalidkood u waayay wax ay cunaan, taasina ay keentay in nafaqo darro u dhintaan.

Maxamed Dubad Xasan, wuxuu kamid yahay horjoogayaasha Kaamkan in gobolka Banaadir uu Hal waqti uu siin jirey dadkaan, balse muddo 7-aad ah aysan arag raashiinkii la siin jirey oo markii horeba lahayn nafaqo.

“Xaalad adag ayaa ka jirta xerada Daryeel, maamulka gobolka Banaadir ayaa Bariis Hal waqti ah ina siin jirey, balse hadda waanba la nahay, Saddex carruur ah ayaa ku dhimatay halkaan arrimo la xiriira Nafaqo darri, kuwo kalena waa ay liitaan, dadka waxaa ku jira kuwo aan banaanka xitaa wax u raadsan karin” ayuu yiri Dubad.

Ugu dambeyn Maxamed Dubad ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guddiga gurmadka qaran ee Abaaraha in kaalmo bini’aadannimo oo degdeg ah lasoo gaaraan dadka ku sugan Kaamkaa Daryeel.

Goobjoog News