U bood dhigaalka

Saddex Ruux Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootey Duleedka B/weyne

Sheeko:Caafimaadka

Inta la xaqiijiyey Saddex ruux ayaa cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootey deegaanka Far Libaax oo qiyaastii 45-km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Isbitaalka deegaankaasi ayaa sidoo kale waxaa haatan la dhigay 15 qof oo uu soo ritey cudurka shuban biyoodka sida uu sheegay Dr Saney oo gacanta ku haya Isbitaalkaasi.

Waxa uu sheegay Dr Saney in maalmihii ugu dambeeyey uu deegaankaasi ka si saf ah uga bilowday cudurka shuban biyoodka, ayna jiraan dad isbitaalka soo gaari waayey oo guryahooda gurmad loogu sameeyey.

Biyo la’aanta iyo abaarta ka jirta gobolka Hiiraan ayuu sheegay Dr Saney iney sababtay in cudurkaan uu ku dhaco dad caafimaad qabay.

Dr Axmed Maxamed Kahliif, isu duwaha caafimaadka ee gobolka Hiiraan ayaa booqasho uu ku tagey isbitaalka deegaanka Far Libaax waxa uu halkaasi geeyey dawo loogu talo galay in lagu dabiibo dadka uu soo ritey cudrka shuban biyoodka waxaana dhankiisa uu sheegay iney ku dadaali doonaan sidii halkaasi loo geyn lahaa dawo dadka wax u tarta.

Deegaanno badan oo gobolka Hiiraan ah waxaa ka jira cudurka shuban biyoodka, waxaana meelaha qaar laga soo sheegayaa dawo la’aan.

Goobjoog News