U bood dhigaalka

Saddex Ruux Oo Ku Geeriyootey Duqeyn Ay Ciidamada Kenya Ka Geysteen Gedo

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay habeenkii xalay ahaa ciidamada Kenya ka geysteen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo, halkaasi oo waxyeello ay kasoo gaartay dad shacab ah.

Ciidamada Kenya ayaa madaafiic ku garaacay sida la sheegay tuulada Baqtiiley oo hoostagta deegaanka Garilley ee gobolka Gedo, waxaana halkaasi ku dhintay Saddex Ruux, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Goobjoog News, iney ka warheleen oo kaliya madaafiic kusoo dhacaysa tuuladooda.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ay ciidamada Kenya ee ku sugan Gedo ay madaafiicda ugu tuureen tuuladaasi.

Tani ayaa imaaneysi xilli Todobaadkii tagay ay diyaarado dagaal duqeeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News