U bood dhigaalka

Saxafiyad Ka Sheekeynaysa Jirdil Loogu Geystay Hargeisa

Sheeko:Dalka

Samsam Cabadullahi Cusmaan oo ka tirsan saxafiyiinta ka howlgala Hargeisa, Somaliland ayaa Goobjoog News uga warrantay sida loogu jirdilay halkaasi.

Warda Axmed Rooble , Samsam  Cabdulaahi Cusmaan iyo Ikraan Siciid Diiriye oo saddexduba ka  mid ah warbaahinta Somaliland  ayaa sheegay in jir dil loogu gaystay  saldhiga Booliska Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa .

Saddexdan gabar ayaa sheegay iney jirdilka  la kulmeen ka dib markii ay booqasho ku tageen xarunta saldhigga  oo ku yaalla qaybta koonfureed ee magaalada Hargeysa halkaasi  oo ay ku booqanayeen wiil ka mid ah ehelada saddexdan gabdhood oo ku xirnaa saldhigga.

Samsam Cabdullaahi ayaa sharraxday siday wax u dhaceen, waxayna tiri “Markii  aanu tagnay  saldhigga  waa lana baaray illaa Labo jeer oo markasta naloo ogolaa inaanu gudaha galno , waxa la naga reebay Moobilladii aanu sidnay iyo boorsooyinkii gacanta , markaasi waxaanu gacanta ku sidnaa oo kale waxyaabo aanu u sidno wiilka maxbuuska ah , gudaha ayaanu galnay annaga oo hor taagan  qolkii uu ku xirnaa wiilku  , dabcan in la soo booqdo qofka aan dambiga weyn lagu haysanina waa wax caadi ah , ayuu naga daba yimi askari ka mid ah ilaalada  waxa uu nagu amray inaan baxno, waxaanu noogu xigsiiyey inuu cabitaankii aan sidnay uu meel ku tuuro .”

Samsam  oo sheegtay  iney jir dil loo gaystay saddexdoodaba  ayaa tiri “ askarigii ayaa markan dhirbaaxo iyo laad la dhacay saddexdayadiiba waliba aniga ayaa dhulka ku dhacay oo uu korka laadkii igala dhacay isaga oo xiran kabtii adkaa , sababta ayaan markasta weydiinaynaa balse nooma jawaabin” ayay tiri Samsam .

Saddexdan gabdhood ayaa intaas ku darray in taliyaha  saldhiga oo ay magaciisa ku soo koobeen  Taliye Waraabe uu xoogaa  ka dib iyaga oo wali ku sugan  gudaha saldhigga  uu isna jir dil kale u gaystay .

Samsam  markay Goobjoog la hadlaysay ayay u socotay xarun caafimaad, waxay  sheegtay iney dhaawac ka qabto Kallideeda bidix .

Ururo u doodo xaquuqal insaanka  ayaa bishii November ee sannadkii hore  bilaabay  afti ururin  ku saabsan qaabka ugu wanaagsan ee ay shacabku dalbanayaan in boolisku ula dhaqmaan, kadib markii ay soo baxeen in dadbadan lagu dhibaateeyo xabsiyada Somaliland.

Goobjoog News