U bood dhigaalka

Saddex Xisbi Iyo Madasha Horusocod Oo Madaxda DFS Uga Digey Iney Dalka Geliyaan Xasilooni Darro Siyaasadeed Iyo Mid Amniga

Sheeko:Dalka

Xisbiyada Wadajir, Kulan, Daljir iyo madasha Horusocod ayaa maanta oo Talaado ah waxay si wadajir ah usoo saareen war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan xariggii C/raxmaan Cabdi Shakuur, qaabkii uu u dhacay iyo khasaarihii ka dhashay.

Waxay sheegeen ugu horreyn in weerarkii lagu qaadday guriga C/raxmaan Cabdi Shakuur ahaa fal dambiyeed ka horjeeda shuruucda iyo dastuurka dalka, halisna ku ah hanaanka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadda dalka.

Waxay ka tacsiyeeyeen dadkii ku dhintey weerarkaasi, waxayna cambaareeyeen weerarkaasi.

Saddexda xisbiga iyo madasha Horusocod ayaa sidoo kale waxay madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka uga digeyn in dalka geliyaan xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amniga, dhanka kalena waxay soo jeediyeen in la magacaabo guddi madax bannaan oo baara weerarkii ay ciidamada dowladda ku qaadeen guriga siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka:

Goobjoog News

0001 0002