U bood dhigaalka

Sameecado Kuu Tarjumaya 8 Luuqadood Internet La’aan

Shirkad Australian ah oo la yiraahdo Lingmo International ayaa horumarin ku sameysay sameecado caalami ah oo tarjumaadda dhanka luqadaha ah.

Samaacaddan dhagaha ah ee la yiraahdo The Translate One2One ayaa noqoneysa samaacaddii ugu horreysay ee waxtarjumta taas oo suuqyada laga heli karo dhawaan,  waxaana lagu xiray qalab Smart ah oo la yiraahdo Watson, kaas oo ay horumarisay shirkadda  IBM.

Sameecaddan ayaa ka kooban barnaamijyo tarjumaad ah kuwaas oo la falgalaya dhammaan dhinacayada kala duwan ee luqadaha iyo lahjahadaha maxalliga ah, iyadoo aan loo baahneyn adeegga Internetka amaba WiFi.

Luqadaha uu tarjamaadda ku sameynayo ayaa kala ah, Chinese, Japanese, French, Italian, German, Portuguese, Brazilian, English, iyo Spanish.

Makarafoonkan sameecadda ku rakibay ayaa soo gudbinayay erayda lagu dhawaaqayo, kadib qalabku waxa uu u tarjumayaa luqadda aad ku xirato muddo 3-5 Ilbiriqsi ah.

Sidaas oo kale waxaa laga heli karaa nimaam gaar ah oo iOS ah, kaas oo ay ka helayso addeegyada kala ah in hadalka loo bedeli karo qoraal, halka qoraalkana loo bedelayo oraah tiro badan oo luqado ah.

Maamulaha shirkaddan dhawaangalka ah oo la yiraaahdo  Danny May ayaa sheegay in barnaamijkan cusubi uu yahay fursad muhiim ah gaar ahaan shirkadaha duulimaadyada iyo xiriirrada dhanka xukuumadaha dunida, iyo waliba shaqooyinka samafalka ee meelaha fog fog laga qabanayo.

Qalabkan cusub ayaa waxaa lagu heli karaa 179 dollar, waxaanuu suuqyada soo gaarayaa bisha July, sidaa si lamid ah waxay shirkaddu iibineysa qalab labo ah oo qiimihiisu yahay 229 kaas oo tarjumaad toos ah siinaya Labo qof oo laqado kala duwan ku hadla.

Goobjoog News