U bood dhigaalka

Saraakiil Dhallinyaro Ah Oo Ka Dhex Muuqan Doona Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed C/weli Jaamac Gorod ayaa kulan la yeeshay saraakiisha dhallinyarada ee xoogga dalka, waxaana uu kala hadlay arrimo ku aadan sidii ay uga mid noqon lahaayeen hoggaanka ciidanka xoogga dalka.

Taliye Gorod ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ka codsaday in saraakiisha dhallinyarada ah ee dalka dibaddiisa tabobarada kusoo qaatay la siiyo fursad hoggaamineed oo ay dalka wax uga qaban karaan.

Saraakiishan dhallinyarada ah ayaa u sheegay Taliyaha in ay diyaar u yihiin in dalka ay ka saaraan Al-shabaab, kaalin weynna ay ka qaataan nabadeyntiisa.

Taliye Gorod ayaa isna yiri “Aad baan ugu faraxsanahay inaan la kulmo saraakiil dhalinyaro ah oo aqoon leh oo hadana muujinaya waxa ay qabaan, wadaniyada haday tahay aqoon haday tahay oo sida ay u arkaan inay wax u qabtaan, waxaa nasiib wanaag kala ah in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu i weydiistay inuu arko Saraakiil dhalinyaro ah oo hoggaanka ciidanka xoogga dalka ka dhex muuqda, waxaa is waafaqay Dareenkiina aan aniga qabay iyo midkii Madaxweynaha ayaa is waafaqay, laga bilaabo hoggaanada ilaa horin ilaa koox Saraakiisha Dhalinyarada ayaan ka dhigeynaa haduuu ilaah yiraahdo”

Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa dhowaan dalbaday in hoggaanka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed lagu soo daro saraakiisha dhallinyarada ah, si aqoontooda looga faa’ideysto.

Goobjoog News