U bood dhigaalka

Saraakiil Lagu Soo Tababaray Uganda Oo Lagu Soo Dhoweeyay Muqdisho

Sheeko:Dalka

55 askari oo dalka Uganda kusoo qaatay tababarka Leyli Sarkaalnimo ayaa maanta oo Sabti ah dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo soo dhoweyn ballaaran loo sameeyay magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh oo la hadlay xubnahan lasoo tababaray ayaa sheegay in aan la cidleyn doonin, oo mar walbo laga warqabi doono xaaladooda.

Wuxuu wasiir Mursal ka codsaday sidoo kale 55-kaan sarkaal in aqoontii ay soo barteen ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay uga faa’ideeyaan ciidamada.

“Wadankiina kusoo dhowaada, la idin ma dayici doono, waxaad wax usoo barateen waa dhulkiina hooyo oo aad maanta u jeedaan in cadow, argagaxiso aan umadda Soomaaliyeed u tureyn uu joogo, kartidiina iyo tababarkiina idin ka rajeyneynaa inaad ugu adeegtaan dhulkiina iyo bulshada Soomaaliyeed, mas’uuliyadda na saaran ayaa ah in meel walboo aad joogtaan idiinla joogno” ayuu yiri wasiirka.

Ciidamada ayaa mararka qaar cabasho ka muujiya musuq lagu sameeyo mushaarkooda, ama aysan sidii loo baahnaa u helin xuquuqdooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda waddo dedaal badan oo dib loogu soo nooleynayo awooddii ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Goobjoog News