U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsan NISA Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa degmada Shibis waxa ay ku dileen sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA.

Labo qof oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa dilay Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Xaaji Cali, kadibna goobta ayeey ka baxsadeen.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in goobta dilka uu ka dhacay ay gaareen ciidamada dowladda oo howlgallo halkaasi ka wada.

Ma jirto cid howlgalkaan lagu soo qabtay, dhanka kalena saraakiisha amniga ee gobolka Banaadir weli wax faah faahin ah kama aanay bixin dilkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News