U bood dhigaalka

Sarkaal Goobjoog U Waramay Colaado Ku Soo Noq-noqda Shabeellada Hoose

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee gobolka Shabeellada hoose Mudane Cali Nuur ayaa Wareysi uu siiyay Goobjoog News waxaa uu kaga hadlay dhibaatooyinka soo noq-noqday ee gobolka wali ka taagan, kuwaas oo aan xal waara laga gaarin.

Waxaa uu sheegay Ku xigeenka dhanka Amniga in nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya ay qaadatay uu yahay mid aan dadka si fiican loo fahansiin, lagana dhaxlay isir naceyb.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dad badan oo gobolka mudo ku soo nolaa lagu amray in ay ka guuran meesha ay dagan yihiin taasina ay keentay in ay ka dhiidhiyan dadkaan mudada dheer deganaa Halkaas.

“Tabaryarida dowladda dhexe iyo baaxadda gobolkaan oo dadka degan ay yihiin dad kala duwan  oo iyaga laftigoodana la isku mashquuliyey waxaana is biirsaday fahmi xumo ka dhalatay fedaraalka iyo dhibaatooyin adan”.

Shabeellada hoose ayaa waxaa ka jiray maalmihii ugu dambeeyay xiisado colaadeed kuwaas oo salka ku haya aanooyin qabiil.

Goobjoog News