U bood dhigaalka

Sawirro: Axmed Madoobe Oo Sheegay In La Dardargelinayo Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa faah faahin ka bixiyey shirkii uu magaalada Muqdisho uga qeybgalay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in si is faham ah uu shirkaan kusoo dhammaaday, islamarkaana qodobada ugu waaweyn ee laga hadlay kamid tahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Wuxuu sheegay madaxweyne Islaam in ciidamada Jubbaland ay kaalin weyn ka qaadan doonaan dagaallada ay dowladda dhexe dooneyso in dalka uga saarto Al-shabaab.

Maamulka Jubbaland ayuu sheegay in mar walbo ka go’an tahay sidii loola dagaallami lahaa Al-shabaab, walibana looga saari lahaa meelaha ay dalka kaga sugan yihiin.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada ayaa in ka badan 10 cisho ku sugnaa magaalada Muqdisho oo ay uga qeybgalayeen shir ay la lahaayeen dowladda dhexe.

Halkaan hoose ka daawo sawirada:

Goobjoog News

M2 M1 M4 M3