MUUQAAL: Beeraleyda Sh/hoose Oo Xaalad Adag Wajahaya

Wabiga6

Inaga oo ah koox ka tirsan hay’adda warbaahinta Goobjoog Media Group, ayaan socod ku bixinnay dhul baaxad leh oo uu maro webiga Shabeelle, cidkasta oo na  aragtaahi  shaki kama gelin  in ulajeedkeennu uu ahaa warinta xaaladda adag ee gobolka ka taagan gaar ahaan tan wabiga Shabeele.

Afar Bil oo biyo la’aan iyo biyo yari isgu jirtay webiga Shabelle waxa uu wal wal ku abuuray beeraaleyda ku dhaqan degmada beeraha hodonka ku ah Afgooye.

Waxaa guray wabigii, beeraaleydii beeraha lahaa iyo dhallinyaro beeraha ka shaqeysan jiray ayaa haddaba dhinac ka eegaya xaaladda mar waxa ay eegayaan beerahoodii oo bad baadin lahaa haddii uu webigu soo laaban lahaa mar waxa ay eegayaan wabigii qudhiisa, marna waxa ay ka fakarayaan in ay la yimaadaan farsamooyin kale oo  beeraha wali cagaaran lagu bad baadin karo.

“Beeraha waa la waraabin jirey, biyo bay ku noolaayeen, haddii Wabigii gurey beerihii iney ba’ayaan yaa diiddan, wax badan ayaa is bedalay, waxaa kamid ah Mooska oo kale, Babayga waa ay ugu tabar yaryihiin biyo la’aanna ma noolaaan karaan, waxaa sidoo kale la mid ah Galleyda, waxa ugu adkeysiga badan waa geedaha, iyaguna haddii sidan uu Wabiga usii maqnaado aad bay saameyn u yeelaneysaa” sidaasi waxaa Goobjoog u sheegay Faarax Cabdi oo kamid ah beeraleyda xaaladda adag wajahaya sanadkaan.

Matooro waa weyn oo wabiga jiinkiisa saarnaa si beeraha ay u waraabiyaan ayaa meel cidlo ah yaalla maadama aysanba jirin meel ay biyo ka soo qaadaan.

Beeraaleyda qaar ayaa isku dayaya in ay qotaan ceelal si ay musiibadan uga bad baadaan, waxaana meelaha qaar lagu arkayaa booyado biyo dhaaminaya si beeraha baaba’a ku dhacaya u caawiyaa.

Beeraaleydu waxa ay qabaan walwal la xiriira in la dayacay oo aan wax caawin ah loo sameyn, ururo ay beeraaleyddu leeyihhin ayaa aad ugu mashquulsan qiimeynta xaaladda iyo qeylo dhaan ay u dirayaan cid kasta oo arrintan wax ka qaban karta sida uu inoo sheegay Xasan Barqadle oo ah guddoomiyaha Beeraleyda ee Labada Shabelle.

“Haddii mar ay dhacdo waxay kamid tahay  iyadoo awalan kasoo bilowday ayuu tacabkii oo dhan khasaaray, taasna mid laga kabsan karo ma ahan, dalagga uu aadka u taabtay waxaa kamid ah qudaarta sida Kiistada, Ansalaadata, Babaayga, Muuska, waxyaabaha lamid ah, intaasba waxa uu u geystay saameyn aysan kasoo kabsan karin, sanadkii hore muddo Labo bil ayeey Biyo la’aantaan ahayd, tanna hadda waa Afar biloow, waxa la sugayaa roob ama Wabi, marka tan oo kale weli lama arag”

Biyaha guray ee webiga  ayaa si gaar ah u taabtay beeraha gaar  ahaan qudaarta oo  si maalinle ah looga soo guri jiray beeraha taas oo keentay in tayo la’aani ay lasoo gudboonaatay dalaga qaar.

Wabiga Shabeelle ayaa guraya sanadkii Labaad oo xiriir ah  taas oo niyad jab ku abuurtay beeraaleyda gobolkan ku dhaqan.

Beeraaleyda dalal badan oo caalamka kamid ah ka shaqeysta ayaa taageero buuxda ka hela dowladahooda abaar iyo aaran Labadaba, basle beeraleydaan waxa ay la’ yihiin cid caawisa xillgan adag taas oo taaban doonta nolosha qof kasta oo Soomaaliyeed haba loo kala darnaadee.

Maamulka K/galbeed iyo dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayey noo sheegeen beeraleyda in aysan waxba tarin haba yaraadeenee.

Mire Cismaan Indho Yare, waa u qaabilsanaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ee beeraha, waxa uu Goobjoog u sheegay iney dhibaato ay haysato dadka Soomaaliyeed oo dalka ay ka jirto Abaar, Beeruhuna ay qeyb ka noqdeen abaarta jirta.

“Beeraleyda dhibaato baa haysata, beeraley kaliya ma ahane umadda Soomaaliyeed ayeey dhibaato haysataa, abaar caam ah oo Miyiga iyo magaalaba saameysay baa dalka ka jirta, beeruhuna abaartaasi caamka ah bay kamid yihiin, geedaha wey iska joogi karaan, laakiinse qudaarta yar yar khasaare ba’an ayaa soo gaari doonta haddii ilaahay badbaadsho mooyee”

Haddiii ay sidan xaaladdu ku sii socota waxaa cabsi weyn laga qabaa in beeraaleyda gobolkani oo caanka ku aha tabcashada beeraha ay magaladda dhinac ka soo galaan iyaga oo fara maran taas oo jilbaha dhulka udhigi karta gobolka wax soo saarka badan ee Shabeellaha hoose.

W/D: Axmedweli Xuseen Maxamuud (Tifaftiraha Goobjoog Fm)

 

Wabiga1 Wabiga2 Wabiga3 Wabiga4 Wabiga5 Wabiga6 Wabiga7 Wabiga8 Wabiga9 Wabiga10 Wabiga11 Wabiga12 Wabiga13