U bood dhigaalka

Sawirro: Ciidamada Puntland Oo Boosaaso Ku Qabtay Walxaha Qarxa Iyo Raggii Waday

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku qabtay Lab nin iyo sidoo kale walxaha qaraxa oo la sheegay iney wadeen.

Howlgal ay ciidamadan sameeyeen ayeey ku qabteen gaari nooca loo yaqaan Candho Meydle oo walxahan iyo qalab kale hoos loo dhigay sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada howlgalkaan sameeyay.

Walxaha la qabtay waxaa kamid ah sanduuqyo iyo daasado ay ku jiraan walxaha qarxa, Labo Bam gacmeed, Labo gacan oo isgaarsiin ah, Taarikooyin iyo sidoo kale qalab kale.

Saraakiisha ammaanka Boosaaso ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno kale, kadibna raggan cadaaladda la horgeyn doono.

Halkaan hoose ka daawo sawirada

Goobjoog News

008 007 006 005 004 002 001