U bood dhigaalka

Sawirro: Dayactir Lagu Bilaabay Laamiga Zoobe Oo Ku Buburay Qaraxii Dhacay

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib u dayactir ku bilaabay laamiga Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ku burburay qaraxii xooganaa ee 14-kii bishan ka dhacay halkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen in si mideysan u nadiifiyaan laamiga iyo goobihii ku burburay qaraxa, maadaama wadadaasina muhiim tahay ay ka maamul ahaan ku qasban yihiin in si degdeg ah dib ugu dhisaan.

Laamiga oo ka go’ay inta u dhaxeysa Hoteelkii Safaari iyo xaruntii Bisha cas oo labaduma ku burburay qaraxii dhacay ayaa durba waxaa la buuxiyey bohoshii weyneyd, iyadoo hadda laami la saarayo.

Qaraxii ka dhacay Zoobe oo jaray nolosha 300 qof oo shacab ah, kuwo kalena dhaawacay ayaa sidoo kale wuxuu burbur xooggan u geystay guryo halkaasi ku yaallay.

Halkaan hoose ka arag sawirada:

Goobjoog News

Zoobe-5-640x360 Zoobe-4-640x360 Zoobe-3-640x853 Zoobe-2-640x853 Zoobe-1