U bood dhigaalka

Sawirro: Dekadda Muqdisho Oo La Keenay Qalab Qashinka Iyo Carada Looga Saari Doono

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu daah furay qalab casri ah oo loogu talogalay in uu qashinka ka saaro dekadda magaalada Muqdisho.

Qalabkan waxaa keentay shirkadda Albeyrak ee ka howlgasha dekadda Muqdisho, waxaana munaasabadda daah furista qalabkan cusub goob joog ka ahaa wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Maryan Aweys  Jaamaca, wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda, mas’uuliyiin ka socotay Albeyrak iyo mas’uuuliyiin kale.

Waxaa qalabkaan lagu soo saari doonaa maraaakiibtii dhowr iyo Labaatan sano kahor ku burbuay badda, sidoo kalena waxaa lagu bixin doonaa qashinka kale ee yaalla nawaaxiga dekadda Muqdisho.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in maanta ay daah furaan qalabka caro saarka iyo qashin saarka Dekadda Muqdisho,taasoo suurta gal ka dhiganeysa in Maraakiib fara badan oo xamuulkooda culus yahay ay ku soo xirtaan Dekadda.

Shirkadda Albeyrak ayaa shaqo badan ka qabatay dekadda magaalada Muqdisho oo hadda qaab casri ah u shaqeysa.

Goobjoog News

Aa14 Aa13 Aa12 Aa11 Aa10 Aa9 Aa8 Aa7 Aa6 Aa5 Aa4 Aa3 Aa2 Aa1