U bood dhigaalka

SAWIRRO: Dowladda Turkiga Oo Basas Aan Xabaddu Karin Ugu Deeqday DF

Sheeko:Dalka

Dowladda Turkiga  ayaa Basas Nooca aan rasaasta Karin ah ugu deeqday Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana kala wareegay Basaskan Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Amb Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe), oo ay wehliyeen Howlwadeeno Safaaradda ka tirsan.

Basaska oo tiradooda ay tahay Labo ayaa  loogu talo galay in loogu adeego Maxaabiista Xabisyadda dalka ku xiran ,waxaana  Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ay soo saartay Markab iyadoo dalka ay soo gaari doonaan Dhawaan.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Turkiga Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe),ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey Taageerada ay siinayaan Ciidamadda qaranka, isagoo timaamay in basaskan Caalamiga ah ee Turkiga ay ugu deeqeen Ciidanka Asluubta uu waxbadan ka badali doonno howlaha Hormarineed ee Ciidankaasi kawadaan Xabsiyada dalka ,iyadoo uu xusay Safiirka in Iminka Horumar aad u balaaran laga dareemayo Xabsiga dhexe ee Xamar.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac,ayaa sheegay in Basaska aan xabadi Karin ay u qorsheeyeen markii ay si  toos ah Taliska uu ula wareego in lagu qaado Maxaabiista Xiliga la geynayo Maxkamadaha ,waxaana uu Dowladda Turkiga uu uga mahad celiyey Taageerada ay la garab taaganyihiin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa waxa ay kamid tahay wadamada sida gaar ah u caawiyo Saamaaliya iyadoo ay xusid Mudantahay in dhawaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyed ay ku wareejiyeen Dhar  iyo Qalabka Ciidanka oo ay ugu talo galeen in Ciidanka lagu Hormariyo.

–DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Email:[email protected]

Muqdisho-Soomaaliya

 

004 003 002 001