U bood dhigaalka

SAWIRRO: Khasaaraha Ka Dhashay Dabkii Ka Kacay Suuqa Bakaaraha

Sheeko:Dalka

Dab khasaare nafeed iyo mid hantiyeed geystay ayaa waabarigii saakay ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana dabkaasi uu socday in ka badan 5 saacadood.

Saddex ruux ayaa ku geeriyoorey dabkaasi, iyadoo sidoo kale halkaasi ay ku baab’een hanti aad u badan oo weli tiro-koob rasmi ah aan lagu sameyn.

Dabka ayaa ka bilowday sida la sheegay Suuqa Al-khaliifa ee Bakaaro, waxaana dabka uu ku faafay meello badan sida Bacadlaha, Maacuunta iyo sidoo kale qeybta Malabka.

Gaadiidka dabdamiska gobolka Banaadir, kuwa shirkadda Hormuud iyo shacab aad u badan ayaa gurmad ay sameeyeen ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in dabka la damiyo, walow uu hanti badan la tagay.

Halka uu dabka ka kacay waxaa gaarey mas’uuliyiin uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil ciidan, kuwaasi oo kormeeray halkaasi.

Dhanka kale, ganacsatadii ku hanta beeshay dabkan ka kacay suuqa Bakaaraha ayaa wada qiimeyn ay ku sameynayaan hantidii ay halkaasi ku waayeen, waxaana laga yaabaa in saacadaha soo aadan ay shaaciyaan.

dab k q uuGoobjoog News