U bood dhigaalka

Sawirro: Khayre oo la kulmay Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta Aqalka Sare kula kulmay guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka. Waxana ay ka wada hadleen dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Kulanka ayaa waxaa lagu falan qeeyey heerka wada shaqayn ee ka dhaxeeya laamaha ku howlan dastuurka iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka Soomaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo wax walba oo dib-u-dhac u keeni kara in waqtigii loogu talagalay ay ku dhamaan wayso dib-u-eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay isku fahmeen wixii khilaaf ah in la dhameeyo si howlaha Dastuurkana la der-gergeliyo.

—DHAMMAAD—- 

d4 d3 d2 d1