U bood dhigaalka

Sawirro: Kulan Looga Hadlayey Is Dhexgalka Bulshada Mudug Oo Lagu Qabtay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Kulan is dhexgal ah islamarkaana u dhaxeeyay Bulshada Galmudug iyo Puntland, loogana hadlayey Nabadda iyo xasiloonida Mudug ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Waxaa kulankaan ka qeybgala mas’uuliyiin ka socotay maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana sidoo kale goob joog ka ahaa xubno ka socday wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inta kulankaan uu socday waxaa bulshada loo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo xasiloonida Mudug, iyo sida mar walbo looga qeybqaadan karo is dhexgalka.

Guddoomiyeyaasha Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug ugu horey waxay si wadajir ah uga hadleen kulankaasi, iyaga oo bogaadin u jeediyey bulshada kulankaasi kasoo qeybgashay, waxaana ay ku baaqeen in mar walbo loo hoggaansamo dadka horumuudka u ah nabadda, maadaama mar walbo loo baahan yahay Nabad ay ku wada noolaadaan bulshada Gaalkacyo.

Dhanka kale, madaxda warbaahinta Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo ayaa go’aan kasoo saaray tabinta wararka ku saleysan arrimaha colaadda, maadaama warbaahinta magaalada Gaalkacyo lagu eedeeyay in ay qeyb qeyn ka qaateen hurinta colaadda inta badan kusoo noqnoqotay gobolka Mudug.

Halkaan hoose ka daawo sawirada:
Goobjoog News

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

 

Mawduucyada:Gobollada