U bood dhigaalka

Sawirro: Kulanka Xildhibaannada Aqalka Sare Oo Looga Hadlay Saddex Qodob

Sheeko:Baarlamaanka

Kulankii maanta ee xildhibaannada aqalka sare ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay Saddex ajende, waxaana kulanka oo uu shir guddoominayey guddoomiye Cabdi Xaashi C/laahi soo xaadirtay 35 mudane.

Furitaanka kulanka kadib ayaa la guda galay ajeneyaasha, waxaana ugu horreeyay:

  • Anisixinta Warbixinta guddiga shaqaaleysiinta

Senator-ada aqalka sare ayaa isku raacay in la shaqaaleysiiyo 61 xubnood oo horey guddiga arrintan ku howlanaa ay soo jeediyeen, waxayna shaqaalahan ka shaqeyn doonaan 5 waaxood oo horey guddigan usoo bandhigay.

61-kaan shaqaale waxaa ku jira 7 sharci yaqaan oo xubnaha aqalka sare kala shaqeyn doona arrimaha sharciyadda la xiriira.

  • Warbixinta guddiga amniga

Xildhibaannada aqalka sare ayaa warbixin ka dhageystay guddiga amniga, waxaana inta warbixintaasi la dhageysanayey dibadda loo saaray dhammaan saxaafadda.

Sidoo kale warbixinta kadib waxaa si kooban uga dooday xildhibaannada aqalka sare iyadoo inta ay doodda iyo warbixinta socoteyba saxaafaddu dibadda ka joogeen.

  • Qeybinta Xeer-hoosaadka aqalka sare

Guddiga qaabilsanaa diyaarinta xeer hoosaadka ayaa mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka waxay u qeybiyeen xeer-hoosaadkii ay soo diyaariyeen, waxayna soo akhrisan doonaan illaa maalinta Sabtida ah maalintaa oo laga doodi doono.

Guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maalinta Sabtida ah laga doodayo  xeer-hoosaadka maanta loo qeybiyey mudanayaasha iyo sioo  kale arrinta ku aadan warbixintii guddiga amniga soo diyaariyey iyo meel marintooda.

Goobjoog News  

Goobjoog News Goobjoog News Goobjoog News Goobjoog News Goobjoog News Goobjoog News Goobjoog News Goobjoog News Goobjoog News Goobjoog News Goobjoog News Goobjoog News Goobjoog News Goobjoog News Goobjoog News Goobjoog News Goobjoog News