U bood dhigaalka

Sawirro: Madax Iyo Shacab Muqdisho Ku Oogay Salaad Roob Doon Ah

Sheeko:Dalka

Boqolaal ruux oo isugu jira rag iyo dumar ayaa maanta oo Talaado ah waxay isugu yimaadeen barxadda hore ee Masjidka Isbahaysiga Islaamka, halkaasi oo lagu oogayey salad roob doon ah si Allah uu abaarta iyo dhibka uga dulqaado shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, Culimo ay kamid yihiin Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo shacab badan ayaa ka qeybgalay tukashada salaaddan.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in Salaadda la tukaday Allah looga baryayey in abaarta dalka ka jirto ka qaado, islamarkaana Allah uu umaddiisa siiyo roob iyo barwaaqo.

“Waxa la isugu yimiday waxay ahayd in la tukado salad roob doon ah, ilaahay loogu toobad keenayo, ilaahay lagu baryayo, waana shey kamid ah sunnada Nabaigeenna Muxummad NNKH, hadda wey inoo dhammaatay” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Sidoo kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isna kamid ah culimada Soomaaliyeed ee halkaasi hadalka ka jeedisey ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay iney is cafiyaan, islamarkaana ilaahay u towbad keenaan.

“Ilaahay haloo noqdo, wixii qaladaad ah ee inaga dhacayna Allaha aan dambi dhaaf weydiisanno, si niyad ah aan uga laabanno wixii qalad ahaa ee aynu sameennay, ilaahayna abaartan iyo dhibaatada dadkeenna hayso haka dulqaado” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Dhammaan culimadii iyo shacabkii kale ee ka qeybgalay tukashada salaadda roob doonka ahaa ayaa si isku mid ah Ilaahay uga baryey inuu dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka dulqaado dhibaatada abaarta iyo sidoo kale biyo la’aanta.

Ugu Dambeyn Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyey in ilaahay ka dulqaado dhibaatada abaarta.

“Ilaahay dhibaan wuu inaga saari doonaa, ilaahay waxaan ka baryayaa inuu dhibkaan naga saaro, ilaahay qalbigeenna ha isku soo dhoweeyo, ilaahay cadaaladda hana waafajiyo, Ilaahayow waan soo jeesanee noo soo jeeso” ayuu yiri Ra’iisul wasaaaha.

Magaalooyin kale oo dalka kamid ah ayaa maanta sidan oo kale waxaa looga oogay salaadda roob doonka ah, iyadoo dalka ay ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada.

12-kii bishan, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney sameeyaan isku soo bax roob doon ah.

Hoos ka arag sawirada

0005 0004 0003 0002 0001

 

Goobjoog News