U bood dhigaalka

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Cadaado Iyo Caleema Saarka Oo Bilowday

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxay gaareen magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Cadaado, waxaana kadib loo galbiyey halka ay ka dhacayso munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Galmudug.

Waxaa hadda si toos ah u bilaabatay munaasabadda Caleema saarka madaxweyne Xaaf, iyadoo munaasabadda ay ka qeybgalayaan maax dhowr ah.

Maamul goboleedyada waxaa ka yimid madaweynaha Puntlan C/weli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Jubbland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweyne ku xigeenka Xirshabelle Cali Guudlaawe.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ah munaasabadda wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keatting iyo xubno ka socda AU, IGAD iyo xubno kale.

Ammaanka guud ee magaalada Cadaado ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka heegan buuxa la geliyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News

X4 X3 X2 X1