U bood dhigaalka

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay In Dowladda ay Kordhineysa Miisaaniyadda Jaamacadda Umadda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta ka qeybgalay munaasabad lagu qabtay xarunta Jaamacadda Umadda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladdiisa ay kordhin doonto miisaaniyadda Jaamacadda, si ay fursad u helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee waxbaraneysa.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in Jaamacadda Umadda ay kaalin ka qaadatay iney tababarto oo ay soo saarto aqoonyahanno Soomaliyeed oo dalkooda shaqooyin u qabtay.

Waxa uu madaxda jaamacadda ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan sidii Jaamacadda ay mar kale usoo saari lahayd aqoonyahanno Soomaaliyeed.

“Annaga dowlad ahaan waxaa nagu balan ah inaan sii xoojinno oo aan kordhinno bajadka ama miisaaniyadda Jaamacadda, sidii aan wax u barannay oo fursaddaan u helnay u siinno dhallinyarada aan dhalnay oo ilmaheenna ah” ayuu yiri madaxweynaha.

Dhanka kale, madxweyne Farmaajo ayaa kormeeray xaryunta Jaamacaddii Gahayr oo ku dhowaad 10 sano xarun u ahayd ciidamada AMISOM, balse Todobaad kahor laga saaray.

Hoos ka arag sawirada

Fa6 Fa5 Fa4 Fa3 Fa2 fa1

Goobjoog News