U bood dhigaalka

Sawirro: Madaxweyne Ku Xigeenka Galmuudg Oo Muqdisho Kula Kulmay Safiirka Ku-xigeenka UK Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka
Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa maanta kulan la qaatay Safiir ku-xigeenka wadanka Ingiriiska u dhafiyay Soomaaliya Ambassador Mrs Mary shockledge
Kulanka oo ka dhacay safaarada wadanka UK ee Soomaaliya ayaa Madaxweyne ku xigeenku waxaa uu kala hadlay safiir ku-xigeenka Xaalada Galmudug iyo Guud ahaan Soomaaliya.
Mas’uuliintaan kulankooda oo saacado qaatay qodoba ay uga hadleen waxaa ka mid ahaa, in UK dhanka amniga Galmudug ka taageerto, xal u helidda siyaasadaha isdiidan  ee  ka dhax jira madaxda Galmudug, shirka hogaanka  maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe ee hadda  kasocda Muqdisho iyo in il gaara ay safaaraddu u yeelato qodobada kasoo baxa iyo dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed u geysteen qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.
Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug  Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay inay u baahayihiin dhanka amniga in laga gacansiiyo oo  loo tababaro ciidamo tayo leh kana shaqeeya nabadgelyada Galmudug.
Ambassador Mrs Mary shockledge, safiir ku-xigeenka UK ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay arimo badan ka caawiyaan Soomaaliya Galmudugna ay ka mid ah Dowlad goboleedya dalka ka  jira iyadoo tilmaamtay ina ka gacan sii doonaan dhicana  amniga.
Daahir Faarax
Goobjoog News
IMG_9429 IMG_9418 (1) IMG_9411 IMG_9418