U bood dhigaalka

Sawirro: Madaxweyne Waare Oo Gaaray Jalalaqsi, Kulamana La Leh Shacabka Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Dagmadda Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan isaga oo kulamo la qaadanaya qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Waare ayaa maamulka Jalalaqsi, saraakiisha ciidanka dowladd aiyo kuwa AMISOM  kala hadlaya sida ugu haboon ee la isugu furi lahaa Deegaanada soo gala Dagmadaasi ee ay go’doomiyeen Al-shabaab.

Dagmadda Jalalaqsi ayaa ciidanka dowladda waxa ay Al-shabaab kala wareegeen sanadkii 2014 , tan iyo xiligaasina waxa go’doonsan deegaanno hoostaga Dagmadaasi.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ayaa markii la doortay kadib waxa uu balan qaaday inuu isku furi doono dhammaan Dagmooyinka Maamulka Hirshabelle.

Safarkiisii ugu horreeyay wuxuu ku tagay B/weyne, waxaa ku xigan Buuloburde, iyadoo maantana lagu soo dhoweeyay degmada Jalalaqsi.

Halkaan hoose ka arag sawirada:

Goobjoog News

11 10 009 008 007 006 005 004 003 002 001