U bood dhigaalka

SAWIRRO: NISA Oo Dad Iyo Gaari u Qabatay Dilal Iyo Dhaawacyo Shalay Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada NISA ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen gaari la sheegay inuu ahaa midkii shalay lagu fuliyey Labo weerar oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Labo ruux oo midi dumar tahay.

Sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda, ciidamada NISA ayaa ayaa howlgalkaan waxay ku baacsaneyeen gaari NOHA ah oo shalay loo adeegsaday weerarakii lagu diley Afhayeenkii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb iyo sidoo kale weerarkii lagu dhaawacay taliye ku xigeenkii hore ee NISA Xasan Dheere.

Gaarigan ayaa la sheegay in raggii saarnaa ay iska caabiyeen ciidanka NISA, waxaana ugu dambeyn gaariga la sheegay in lagu soo qabtey Tookiyada xaafadda Siisii ee degmada Yaaqshiid.

Darwalkii gaariga ayaa la tilimaamay inuu baxsaday, waxaase ciidanka la tilmaamay iney gacanta ku dhigeen milkiilihii gaarigaasi iyo sidoo kale qof haweeney ah oo la sheegay in iyaduna la tuhmane ay tahay.

Dadka lagu soo qabtay howlgalkaan waxaa ku socda baaritaan, welina saraakiisha NISA wax faah faahin ah kama aaney bixin soo qabashada dadkani.

Goobjoog News

001 002 003 004