U bood dhigaalka

Sawirro: Qaar Kamid Ah Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Zoobe Oo Loo Qaadayo Turkiga

Sheeko:Caafimaadka

Garoonka diyaarahadaha  Aadan Cadde waxaa hadda laga daabulayaa qaar kamid ah dadkii dhaawacyada halista ahaa kasoo gaaray qaraxii maalin kahor ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Diyaarad weyn oo laga leeyahay Turkiga uuna soo diray madaxweynaha dalkaasi ayaa ku sugan Garoonka Aadan Cadde, iyadoo halkaasi sidoo kale ay joogaan mas’uuliyiin ka socota dowladda Federaalka iyo dowladda Turkiga.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ku xigeenkiisa, xubno kamid ah golaha wasiirada Soomaaliya iyo wasiirka caafimaadka Turkiga Ahmet Demircan ayaa ku sugan garoonka Muqdisho.

Inkastoo weli aan la shaacin tirada dadkaan loo qaadayo Turkiga ayaa hadana waxay ka badan yihiin 30 qof oo dhaawacyo halis ah qaba.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammaan dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe, gaar ahaan kuwa aan dalka waxbo looga qaban karin ay caafimaad dibadda ah u qaadi doonaan.

Halkaan hoose ka daawo sawirada:

Goobjoog News

S6 S5 S4 S3 S2 S1