U bood dhigaalka

SAWIRRO: Senator Abshir Bukhaari Oo Bacaha Roobka Ugu Deeqay Qoysas Barakacayaal Ah

Sheeko:Baarlamaanka

Senator-kii ugu horreeyay ee Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa maanta bacaha roobka ugu deeqay 186 qoys barakacayaal ah, kuwaasi oo ku nool degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Waxa uuu Senator-ka uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in shaqadiisa ugu horreysa ee uu qabtay tahay in uu soo booqdo barakacayaasha ku sugan degmada Cadaado, isaga oo hoosta ka xarriiqay in dadka rasmiga ah ee uu matali doono iyaga yihiin.

Abshir Bukhaari ayaa u ballanqaadey Barakacayaasha Cadaado in uu sida ugu dhaqsiyaha uu u dhisi doono Iskuul ay wax ku bartaan carruurta barakacayaasha ah, dugsi qur’aan oo goobta ku yaalana uu ballaarin doono, kuna dadaali doono garab qabashada dadka Barakacayaasha ee danta yar.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in markii ugu horreysay shaqadeeda ka billaabo inaan soo booqday dadka dhibanayaasha ee barakacayaasha ah ee degmadan, waxaan kaloo rabaa inaan  idiin sheego in dadka rasmiga ah ee aan matali doono idinka tihiin, halkaan waxaan ka sameysanayaa xafiis, waxaana xafiiskeygaas uu ka shaqeyn doonaa in sidii idinka dhibaatadiina wax looga qaban lahaa inuu qeyb libaax ka qaato, waxaan awood u leeyahay oo kaliya maanta inaan idiin siiyo baco aad ka gashaan cadceedda markii ay timaado, xilli roobaadkana aad roobka ka gashaan, waxaad u baahantihiin waxbarasho, waxaan idiin ballaarinayaa Dugsi Qur’aanka halkaan ku yaalla, waxaan idiin dhisi doonaa Iskuul ka sameysan jiingad, macalinkana anaa idiin keeni doona” ayuu yiri Senator Abshir Bukhaar.

October 15 2016 xildhibaannada Galmudug ayaa doortay Senator Abshir Maxamed Axmed (Bukhaar) iyo 7 kale si gobolkaas ay ugu matalaan aqalka sare ee federaalka Soomaaliya.

abshir7 abshir6 abshir5 abshir4 abshir3 abshir2 abshir1

Goobjoog News