U bood dhigaalka

Sawirro: Xildhibaanno Kormeeray Barakacayaal Ku Sugan B/weyne

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo ay wehlinayaan wasiiro Hirshabelle ah iyo xubno ka tirsan guddiga qaran ee gurmadka abaaraha ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah kaamamka barakacayaasha ah ee ku yaalla magaaladaasi.

Xildhibaan Aamino Maxamed iyo xildhibaan Farxiya Muumin ayaa tagay dhowr kaam oo ay ku sugnaayeen qoysaska barakacayaasha ah, waxaana ay ka deyriyeen xaaladda dadka ay soo arkeen.

Waxay sheegeen xildhibaannadan iney arkeen haween da ah oo aan haysan hoy ay seexdaan, meel ay ka galaan roobka iyo cadceedda sidoo kalena aan helayn raashiin ku filan.

Dadkaan ayeey sheegeen in haddii aan degdeg wax loogu qaban iney suurtagal tahay in xaaladdooda ay ka darto meesha ay hadda taagan tahay, waxaana ay ku baaqeen in gurmad degdeg ah lala gaaro.

“Annaga oo joogna ayuu roobka yimid, dadku aad bay u dhiban yihiin, hooyo waayeel ah oo aad u rafaadsan, meelna aysan haysan roobka ku da’aya, raashiin aan haysan, waxaan aragnay wax loo dulqaadan karo ma ahayn, waa in degdeg dadkaan wax loogu qabto” Xildhibaan Aamino ayaa sidaasi tiri.

Magaalada Baladweyne waxaa ku sugan barakacayaal badan oo qaarkood kasoo cararay deegaanno fog oo abaar ay ka jirto una baahan gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News

Sawir Qaade: Qaalid Muxummad Ilka-case

B/weyne, Hiiraan