U bood dhigaalka

Senator Cabdi Qeybdiid Oo Ka Warbixiyey Weerar Ay Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Ku Qaadeen Gurigiisa

Sheeko:Dalka

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo saxaafadda kula hadlay hoygiisa ku yaalla  magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ay maanta ciidan ka tirsan dowladda Federaalka ku qaadeen gurigiisa.

Qeybdiid ayaa sheegay in gurigiisa markii la weerarayey uu ku maqnaa xarunta aqalka sare oo uu soo gudanayey waajibkiisa shaqo.

Ciidamada weerarka ku qaadey gurigiisa ayuu sheegay in ugu horreyn ay albaabka kore ku jabiyeen gaari, ciidankii halkaasi ku sugnaana ay hubkii ka qaateen.

Intaasi kadib ayuu sheegay Qeybdiid, in ciidamadan ay jabin ku bilaabeen albaabada guryaha iyo sidoo kale armaajooyinka, sidoo kalena taleefannaddii gacanta laga qaatay xaaskiisa iyo sidoo kale gabadhiisa.

“Aniga oo ah Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ahna guddoomiyaha guddiga dastuurka ee Labada aqal ee baarlamaanka, waxaan rabaa inaan warbaahinta u sheegay in maanta markii ay ahayd 1:20 PM gurigeyga oo aan deganahay ayaa waxaa soo weeraray ciidan dowladeed, albaababka hore ayeey baabuurka kusoo jabiyeen, kadibna waardiyihii bay qoryo ku qabteen, qoryihiina ka qaateen, aniguna shaqo ayaan ku maqnaa, golaha aqalka sare ayaan jiray, gudaha ayaa loo soo galay,  markii loo soo galayna waa la baaray, waa la jabiyey dhammaan albaabada, meel walbana wey galeen”

“Armaaajooyinkiina wey soo daadiyeen wixii ku jiray, qolalkii dibadda ku yaallay iyo kuwii gudaha dadkii ku jiray gacmaha kor u taaga bay dhaheen, Taleefannadii bay xaaskii iyo gabadheydii ka aruursadeen, xaaska oo musqul ku jirta wey ugu jabiyeen oo waa ay ugu galeen..ma garan karo sababta ay arrimahaasi ku dhaceen illaa iyo hadda, cidda waxaan sameysayna warbixintii ugu horreeysay ee xaaskayga markii ay isoo wacday kadib waxaa isoo wacay ninka taliyaha nabad sugidda ka ah gobolka Banaadir oo la yiraahdo Saadaq, wuxuu ii sheegay ciidankaasi waxay ahaayeen ciidanka Imaaraadka ayuu yiri”

Qeybdiid oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ Laakiin waxaan anigu cadeynayaa sida ninkaasi ii sheegay ciidankaasi ciidan dowladeed buu ahaa, wixii intaa ka duwanna haddee baarista ayaa lagu ogaan doonaa, ma rabo intaas inaan dhaafo, waxaan ka codsanayaa warbaahinta in guriga gudaha galaan, soo arkaan waxyeellada, wixii laga qaatay oo qalab ah dib baan ka ogaan donna, laakiin hadda wixii la gaarsiiyay inaad soo aragtaan baan idin ka codsanayaa, aad ayaadna u mahadsantihiin” Senator Qeybdiid ayaa hadalkiisa intaasi kusoo gabagabeeyey.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga sugayaa iney war kasoo saarto weerarkaan maanta lagu qaaday hoyga Senator Cabdi Qeybdiid.

Goobjoog News