U bood dhigaalka

Senator Cabdiraxmaan Faroole Oo Ka Soo Horjeeda Wax Ka Badalka Dastuurka Puntland

Sheeko:Baarlamaanka

Senator Cabdi Raxmaan Faroole ayaa ka soo horjeeystay hadal dhawaan ka soo yeeray maamulka Puntland kaasi oo ah in dastuurka maamulkaasi wax laga badalo.

Senotarka ayaa sheegay in ay been tahay hadal dhawaan ka soo yeeray wasiirka howlaha guud ee maamulka Puntland Cabdi Rashiid Maxamed Xirsi oo horay u sheegay in wax ka badal lagu sameynayo dastuurka maamulkaas.

Faroole ayaa hoosta ka xariiqay in dastuurka Puntland aan waligiis waxba laga badaleyn isaga oo ugu baaqay madaxda Puntland in ay ka waantoobaan dibin daabyo ay ku sameeyaan sharciga.

“Dastuurkii wali kuno qoshadiisii lama dhameystirin, anigu waxaan ka mid ahay xildhibaannada aqalka sare anigoo wakiil ah aqalka sare deegaanna ku soo galay, waxaa idiin sheegayaa dastuurka dib unoqashadiisa inaad gacan ka geysataan”.

Hadalka senator Faroole ayaa ku soo aadaya xilli uu maamulka Puntland uu wado qorshe wax looga badalayo dastuurka maamulkaas .

Goobjoog News