U bood dhigaalka

Shacab Isku Soobax Roob Doon Ah Ka Sameeyay Baydhabo

Sheeko:Dalka

Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sameeyay isku soobax roob doon ah, waxaana ay isugu tageen fagaare ku yaalla magaaladaasi, halkaasi oo ay salaad roob doon ah ku tukadeen.

Culimada hoggaamineysay isku soobaxan ayaa halkaasi hadallo kooban oo ay ka jeediyeen waxay ku sheegeen in Allah ay ka sugayaan raxmaddiisa, islamarkaana ay ka baxaan abaarta.

“Saacadaan la joogo annaga waan soomannahay, horey ayaa isugu raacnay inaan soonno Afar maalin, kadibna maalinta ugu dambeysa aan tukanno Salaad roob doon ah, Ilaahay waxaan ka barinnay in uu dhibkan naga dulqaado oo raxmaddiisa inoo keeno” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah culimada halkaasi ka hadashay.

Ugu dambeyn culimada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolkaasi iyo guud ahaan gobollada dalka iney Alle kaalmo weydiistaan si looga baxo abaarta dalka ka jirta.

Gobollo badan oo dalka ah waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News