U bood dhigaalka

Shacabka B/weyne Oo Soo Dhoweeyay Dib u Shaqeynta Lacagta Shilinka Soomaaliga

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka aragti dhiibtay dib u shaqeynta lacagta shilinka Soomaaliga, taasi oo maalmo badan laga diidanaa guud ahaan gobolka Hiiraan.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo ganacstada ayaa isku raacay iney lacagtaasi socoto, waxaana ugu dambeyn suuqyada Baladweyne laga bilaabay qaadashada lacagtaasi.

Qaar kamid ah shacabka B/weyne oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay iney soo dhoweynayaan arrintaan,  islamarkaana ay ka badbaadeen dhibaato badan oo soo wajahi lahayd dadka danyarta ah.

“Isku mid ma ahan hadda, lacagta markii la diidayey masaakiinta aad bay u saameysay, waayo dadka ma wada awoodaan iney isticmaalaan lacagaha Talaafanada lagu shubto, waxaa hadda isku mid ah cid walbo  maadaama lacagta la qaadanayo, waxaana ku talineynaa in sidan ay wax walbo sii ahaadaan” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah shacabka B/weyne.

Lacagta shilin Soomaaliga ee hadda la qaadanayo ayaa ah mid ka socota suuqyada magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Koonfurta Soomaaliya.

Goobjoog News