U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Ka Aragti Dhiibtey Tiro Badnida Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa aragti kala duwan ka dhiibtey sida ay u arkaan xildhibaannada Labada aqal, tiro ahaanta mudanayaashan iyo waxa ay soo kordhin karaan.

Dadkan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa aragti kala duwan qaba, waxayna qaarkood sheegayaan in xilligaan dalka dhaqaalo ahaan aanu xamili karin tirada badnida mudanayaasha baarlamaanka.

Waxay dadka aragtidan qaba ay sheegeen in 347 mudane aanu dalka xamili karin, dhaqaalaha ku baxayana maanta ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale qaar kamid ah shacabka Muqdisho waxay qabaan in  hadda loo baahan yahay xildhibaannada Labada aqal, waxayna u sababeeyeen rabitaankooda in Labada aqal ay noqon doonaan kuwo dalka u hoggaamiya meel wanaagsan, ayna timaado la xisaabtan, meeshana ay ka baxdo go’aanno lagu degdego.

Xildhibaannada Labada aqal ee baarlamaanka waxaa lagu wadaa in maalinta berri 27-December-2016 lagu dhaariyo magaalada Muqdisho.

Goobjoog News