U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Qaarkood Oo Ku Taliyay In Amniga Dalka Lagu Wareejiyo Ciidanka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Shacabka muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay sida ay u arkaan in Ciidamda dowladda Federaalka Soomaaliya ay la wareegaan Ammaanka guud ee dalka haddii uu dhammaado waqtiga joogitaanka Ciidanka AMISOM.

Waxay sheegeen shacab badan oo la hadlay Goobjoog, iney aaminsan yihiin in ciidanka Soomaaliyeed ay xasilin karaan dalka, islamarkaana ay amniga wax badan ka bedali doonaan.

“Waa arrin wanaagsan waxaana qabaa iney tahay arrin lala soo daahay, haddii Soomaaalida mas’uul looga dhigi lahaa amniga dalkeeda, dhaqaalahana lagu bixin lahaa iyaga waxaanab aaminsanahay in ay xuduudahooda xitaa mar hore la wareegi lahaayeen, waana soo dhoweynayaan” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadkii aragtidooda dhiibtay.

Waxay dadka qaar ay qabaan in ciidamada Soomaaliya oo kaliya yihiin kuwa daka nabadda kusoo dabaali kara, lana dagaallami kara cid walbo oo dalka cadow ku ah.

“Fikrad ahaanteyda waan aaminsanahay in Soomaaliya isku filan tahay, ka maaranto AMISOM, waxaa jira ciidamo badan oo Soomaaliyeed, kuwo hadda la diyaarin doono, marka Soomaaliya waligeedba waa ay isku filnaan jirtay, sidaa darteed waxaan aaminsanahay inaan isku filannahay”.

“AMISOM waan ka maarannaa, waayo dhibka ugu weyn ee na haysta waa iyaga, waxa qaraxa iyo dhibaatada noo keena waa iyaga, haddii ciidamadeena la dhiso waa hubaal in aan wax qabsan doonno, haddii AMISOM Soomaaliya laga saari lahaa nabad wanaagsan baan heli lahayn”.

“10 wiil oo Soomaali ah wixii ay qaataan waxaa qaata Hal askari oo AMISOM, waxay burburiyeen wixii hanti ah ee aan lahayn, goobaha ciyaaraha iyagaa deggan, isbitaalladii sidoo kale, waxaan leeyahay AMISOM sharci darro ayeey ku timid, waxaan ku talinayaa in AMISOM dalka laga bixiyo si aan u helno xasilooni”

Goobjoog News