U bood dhigaalka

Shaqaalaha Qaramada Midoobay Oo Lagu Eedeeyay Inay Geystaan Tacadiyo La Xiriira Jinsiga

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay la kulantay 31 cabasho oo ka dhan ah shaqaalaheeda kuwaas oo ku saabsan  inay geysteen tacadi jinsiyadeed.

Arrinkaani ayaa waxay geysteen shaqaalaha qaramada midoobay intii u dhaxeysay bilihii Julay iyo September ee sanadkaani.

Qaramada midoobay ayaa heshay 12 cabasho oo dhan ah ciidamada nabad ilaalinta, 19 ka dhan shaqaalaha wakaaladaha iyo barnaamijyada qaramada midoobay oo ay ka midyihiin santuuqa qaramada midoobay ee caruurta “UNICEF” iyo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arimaha qaxootiga.

Afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa sheegay in wali aan la xaqiijin cabashooyinka dhanka ah hay’adda isaga oo tilmaamay in shaqaalaha loo tababaro sidii ay u caawin lahaayeen dadka waxyeelooba.