U bood dhigaalka

Shaqaale u Dhashay Dalalka Jarmalka iyo Denmark oo Ka Baxay Somaliland

Sheeko:Dalka

Shaqaale u kala dhashay Waddamada  Jarmalka iyo Denmark ayaa Labadii maalmood ee ugu dambeeyey waxay ka baxayeen magaalada Hargeysa ka dib digniino xagga amniga ah oo ay ka Heleen wadamadooda .

Shaqalaahan oo qaarkood ay mashaariic muhiim ah  ka waday magaalada Hargeysa iyo deegaanno ka tirsan Somaliland ayaa ka dhoofay garoonka Cigaal waxayna sheegeen in dalalkoodu ay  ku amreen iney si degdeg ah uga soo baxaan Somaliland .

Dadkan u dhashay dalkaasi oo shaqooyinkoodu ay ka mid ahaayeen barnaamijyo waxbarashada ku saabsan oo ay la wadeen jaamacadda Hargeysa, muwaadiniinta u dhashay dalka Jarmalku ayaa iyaguna ka baxay Hargeysa.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Axmed Faratoon oo warbaahinta arrintaasi kala hadlay ayaa sheegay in  casbi amni oo aan nooceeda la faahfaahin  ay dalalkaasi uga baqeen iney saamayn ku yeelato nolosha dadka u dhashay ee ku sugan  gudaha Somaliland;

“Intaan ognahay dadkaas aad sheegayso way baxeen, wax ammaan darro ah iyo wax dhib ah oo ay la kulmeenna ma jirto, codsi ay anaga na siiyeen oo ay yidhaahdeen taas baanu haynaa ma jirto, illaa iyaga aanu ka helno war rasmi ahna annaguna kuma dhawaaqi karno iney sidaas ku baxeen”. Ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa horey Somaliland uga muujiyey cabsi amni iyaga oo sidan oo kalena dadka u dhashay ay uga baxeen  waxayna digniinahaasi ay saameyn ku yeelatay xarumihii hay’adaha Caalamiga ah oo dhammaantood loo u guuray  agagaarka garoonka diyaaradaha ee Hargeysa si ay si fudud uga dhoofi karaan haddii ay dhibi dhacdo ama ay cabsi soo korodho.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada