U bood dhigaalka

Sharci-yaqaanno: Heshiiska Imaaraadka Iyo Somaliland, Waxaa Uu Khatar Ku Yahay Madax-Bannaanida, Masiirka Iyo Deegaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Aqoon-yahanno ku taqasusay sharciyada iyo qawaaniinta caalamiga ah ayaa Goobjoog News uga waramay heshiiska Imaaraadka ay kula wareegeen dekadda iyo Airportiga magaalada Berbera, iyaga oo dolwadda federaalka ah kula taliyay in ay ka hadasho heshiiska oo iska bari yeesho ama qirato in saraakiil ka tirsan wax ka ogaayeen oo ay ka laabato.

Imaaraadka Carabta ayaa maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland la galay heshiisyo hal dhinac arrintaas oo aqoon-yanno iyo Xildhibaanno Goobjoog News la hadlay ku tilmaameen mid daan-daansi ah oo meel uga dhaceysa madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Maamulka Abuu-Dhabi oo iska indho-tiray sharciyada caalamiga iyo walaaltinimada kala dhaxeysa Soomaaliya ayaa malaayiin dollar siiyay dad aan matalin masiirka umadda Soomaaliyeed, isla markaana aan xaq u laheyn in ay bixiyaan dhul aan loo marin waddadii sharciga aheyd, sidaa waxaa sheegay aqoon-yahanno la hadlay Goobjoog News.

Dr. Axmed Cali Khayre oo PhD ka diyaariyay qaanuunka caalamiga ah ayaa  Goobjoog News u sheegay in heshiiska Imaaraadka ay la galeen Somaliland aanu sharci aheyn, isla markaana ay adag tahay in uu dhaqan galo.

Dr. Axmed waxaa uu qabaa in Imaaraadka ay meel uga dhaceen qawaaniinta caalamiga kadib markii ay heshiis la galeen gobol Soomaaliyeed isaga oo intaa raaciyay in federaalsim-ka Soomaaliya hadda u yaallo uu dhigayo in siyaasadda arrimaha dibadda ay ka mid tahay waxyaabaha ay xaqa u leedahay dowladda federaalka ah.

Dr. Axmed Cali waxaa uu soo jeediyay in xataa haddii ay wax ka ogaayeen heshiiskaas saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah laga bixi karo, iyagoo heshiiska loo yeelayo ceebo ay ka mid yihiin mid dalka lagu khiyaamay, musuq ku jiro iyo arrimo dastuurka ka hor imaanaya.

Dr. Khayre mar uu ka hadlay dhibaatooyinka ka dhalan-kara heshiiska saldhigga Militari ee Imaaraadka ka dhisayo Berbera waxaa uu sheegay:

“Dagaallo ayaa ka dhalan kara oo cid kasta oo Imaaraadka cadaw ku ah halkan ayey soo weerarayaan, waxaa ka dhalan karta dhaqan xumo, oo ciidamada halkaasi degaya waxaa ay dhibaato ku yihiin dhaqan-ka, waxaa intaa dheer waxyeellada hubka iyo Kimikada u geysnayaan deegaanka, dhici kartana in dadka goobtaas degan la raro ”.

Dr. Axmed Cali Khayre waxaa kaloo uu qabaa in xaruntaas loo isticmaali karo goobo dalal sadexaad adeegsadaan oo dadka lagu jir dilo isaga oo Imaaraadka ku sheegay dowlad tabar daran oo xataa aan difaaci Karin haddii goobtaas la soo weeraro, taasi oo ka duwan saldhigyada Mareykanka iyo reer Yurub ku leeyihiin meelo badan oo dunida ah, waxaa uu shaki geliyay in Imaaraadka ay keligood goosteen saldhiggan Militari oo waxaa uu qabaa in ay jiraan dowlado kale oo isticmaalaya dalka Imaaraadka.

AVV Cabdulahi  Faarax Qaarey oo isna sharci yaqaan ah ayaa dhankiisa wax lala yaabo ku tilmaamay sida Imaaraadka ugu dhiiradeen in ay heshiis la galaan gobol ka tirsan Soomaaliya.

Abuukaate Qaarey waxaa uu Imaaraadka ku dhaliilay in iyaga oo ka maseyraya dal kale ay doonayaan in ay jabiyaan xeerarka caalamiga ah isla markaana meel uga dhacaan madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Haddii ay jiraan madaxda dowladda federaalka ah oo arrintan ku lug leh, waxaa uu Abuukaate Qaarey qabaa in ay tahay khiyaano qaran laakin waxaa uu Dr. Axmed Khayre la qabaa in laga laaban karo heshiiska, waa haddii saraakiil dowladda federaalka ah ku lug lahaadaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa dhankiisa ka soo horjeestay heshiiskan, isagoo intaa raaciyay in dowladda federaalka ah jawaab looga fadhiyo, Dhalxa waxaa uu sidoo kale soo qaatey in bishii hore shir ay yeeshaan baarlamaanka carabta war murtiyeed ka soo baxay looga digay dalalka xubnaha ka ah oo Imaaraadka ku jiro in ay farageliyaan midnimada, madaxbanaanida iyo dhulka Soomaaliya.

Xildhibaanno golaha shacabka ka tirsan ayaa Goobjoog News u sheegay in ay wadaan mooshin ka dhan ah heshiiskaan iyaga oo dowladda federaalka ah su’aalo ka weydiin doona waxa ay ka og yihiin heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland.

Arrimo La Xiriira:

Mooshin Heshiiska Xildhibaannada Ka wadaan

Akhriso: Heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka, 15 qodob oo waalli ah

 

Goobjoog News