U bood dhigaalka

Shariif Sheekhuunaa Oo Laga Saaray Golaha Addeega Garsoorka

Sheeko:Dalka

Golaha wasiiradda ayaa ansixiyey xubin cusub oo badalaya Shariif Sheekhuunaa, taliyihii hore ee booliiska Soomaaliya , kaasi oo galaya booskii mas’uulkan uu kaga jirey golaha adeegga Garsoorka oo ay horey u ansixiyeen wasiiradda.

Sida Goobjoog u xaqiijiyeen illo xog ogaal ah, golaha wasiiradda ayaa badalka ku sababeeyey in uu mas’uulkani dhaafay da’dii sharciga ahayd ee lagu shaqeynayay, isaga oo gaaray da’da gaboowga.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale ansixiyey xubin kale oo Golaha Adeegga Garsoorka ka tirsanaa, balse magaciisa horey loo qalday markii la ansixinayay, sidaasi darteed hadda la ansixiyey magaciisa saxda ah.

Golaha Adeegga Garsoorka waxa ay ka koobanyihiin 9 xubnood, waxaa hadda magacaaban 7 xubnood, labada maqan waa Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga oo aanan wali la dhisin iyo Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka oo aanan isna la dhisin.

Waa hey’adda garsoorka ee dalka ugu sareysa, waxaana xubno ka ah Xeer Illaaliyaha Guud iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Maamul goboleedyada iyo xildhibaanada baarlamaanka ayaa wali cabasho ka qaba kuwa ay ka koobanyihiin golahani, iyo qaabka lagu soo xuley.

Xubnaha 7-da ah ee hadda dhisan ayaa waxa ay awood u leeyihiin in ay soo dhisaan maxkamadda dastuuriga ah, taasi oo hadhoow iyadu ah tan lagu kala bixi doono marka la’isku qabto qodob dastuuri ah.

Goobjoog News