U bood dhigaalka

Shariif Xasan “AMISOM In La Yareeyo Waqtigeeda Lama Jooga”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inuu maqlay warar sheegaya in la doonayo in la yareeyo tirada ciidamada AMISOM ee jooga dalka, balse wuxuu tilmaamay in isagu aanu qabin aragtidaasi.

Waxa uu sheegat Shariif Xasan in hadda la doonayey in Afarta Sano ee soo socota ay dowladdan ka shaqeeyso ammaanka dalka, maadaama dowladda hore ee uu hoggaaminayey Xasan Sheekh ay ka shaqeysay dhismaha maamul goboleedyada waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dowladda uu hoggaaminayey Xasan Sheekh Afartii Sano ee ay jirtay waxaa laga shaqeynayey sidii loo dhisi lahaa maamul goboleedyada, waana lagu guuleystay, Afartaan sano waxaan rajeyneynaa in amniga laga shaqeeyo, waxaan maqlayey in la rabo in la yareeyo AMISOM, waxaan qabaa aniga AMISOM in la yareeyo waqtigeeda lama joogo” ayuu yiri Shariif Xasan.

Dhanka kale, Madaxweynaha K/galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay shacabka iyo baarlamaanka maamulkaasi iney ka shaqeeyaan ammaanka deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi.

Goobjoog News