U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Ka Hadlay Cidda Ku Tuhmayo Inay Gadaal Ka Riixeyso Mooshinkii Laga Diyaariyey

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka K/galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay cidda uu ku tuhmayo iney ka dambeyso mooshinka la doonayo in isaga xilka looga qaado.

Waxa uu tilmaamay in kaalinta ugu weyn ay leeyihiin shaqsiyaad waayay xildhibaannimada golaha shacabka, loogana adkaaday doorashooyinkii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Wuxuu tilmaamay in shaqsiyaadkaasi ay moodayaan in isaga uu ka dambeeyey guuldaradooda, balse wuxuu ku baaqay inaan laga shaqeyn duminta K/galbeed.

“Kuwo aaminsan inaan kuraasta aniga ka qaaday ayaa gadaal ka riixaya mooshinka, aniga ma lihi eedda ah xildhibaan xil helay ama mid waayey, annaga waxaan sameynnay wixii tabarteenna ah, si wanaagsan ayaana uga shaqeynay, ma wanaagsan in laga shaqeeyo duminta K/galbeed” ayuu yiri Shariif Xasan.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka K/galbeed ayaa sheegay iney mooshin ka diyaariyeen Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaasi oo ay ku doonayaan iney xilka kaga qaadaan.

Goobjoog News