U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Ku Wajahan Degmada Xudur

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka K/glabeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la filayaa in maanta oo Sabti ah uu tago degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Warar ay Goobjoog News ka heshay madaxtooyada Baydhabo, waxay sheegayaan in Shariif Xasan iyo xubno kamid ah wasiiradiisa saacado kadib halkaasi aadi doonaan.

Ulajeedka safarkaan ayaa lagu sheegay oo kaliya howlo la xiriira shaqooyinka maamulka.

Safarkaan Shariif Xasan ku aadayo Xudur, wuxuu kusoo beegmayaa xilli wasiiro ka tirsan maamulkiisa ay ku sugan yihiin nawaaxiga deegaanka Abal oo ay ku dagaallameen dhowaan Al-shabaab iyo ciidanka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News