U bood dhigaalka

Sharma el-Sheekh: Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Oo Qeyb-galay Shirka Dhalinyarada Adduunka

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa ka qeyb-galaya shirka dhalinyaradda Aduunka kaas oo looga hadlo xaalada dhalinta iyo sidii looga wacyi galin lahaa arrimaha Tahriibka iyo xagjirnimada oo saamayn wayn ku yeeshay dunida oo dhan.

Shirkan oo ka socda Sharma el-Sheekh ee dalka Masar, waxaa uu mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) Madaxweyna wadanka Egypt Cabdifatax Al Sisi, iyagoona ka wada hadlay in laga wada shaqeyo sidii la iskaga kaa shan lahaa la dagaalanka iyo cirib-tirka argigixisada  iyo in la abuuro fursado shaqo iyo kuwo waxbarasho kuwaas oo lagu dhiiri galinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si aysan u dooran fikradaha ku salaysan argagixisada.

Madaxwaynaha Masar  ayaa balan qaaday in uu kordhin doono deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed. Waxuuna cadeeyay in ay taageero dhan walba ah la garab istaagayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona u jeedo iyo dan gaar ah ka lahayn Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Khader ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qayb gashay shirka, oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Equatorial Gunnie.

Goobjoog News