U bood dhigaalka

Sh/hoose: Al-shabaab Oo Gacanta Midig Ka Jaray Wiil 19 Sano Jir Ah

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab ay wiil 19 sano jir ah ku fuliyeen xukun gacan goyn ah.

Maxkamad la sheegay iney leeyihiin Al-shabaab, kana howlgasha deegaankaasi ayaa la horkeenay C/fitaax Cismaan Axmed, waxaana lagu eedeeyay inuu xaday lacag 5 kun oo doolar, dhar, Kumbiyuutaro iyo agab kale.

Dacwadan oo Hal dhinac ahayd, ayeey maxkamaddu ammartay in C/fitaax laga jaro gacanta midig, waana laga jaray, sidoo kale waxaa lagu amray C/fitaax inuu soo celiyo hantidii la sheegay inuu xaday.

Goobta wiilkaan 19 sano jirka ah gacanta looga goynayey waxaa ku sugnaa shacab badan oo laga soo bixiyey guryahooda si ay u daawadaan xukunka dhacaya.

Al-shabaab ayaa marar badan deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin waxay ka fuliyaan xukunno isugu jira gacan goyn, dilal iyo xabsiyo.

Goobjoog News