U bood dhigaalka

Shiinaha Oo Canshuurta Ka Yareynayo Maqaarka Dameeraha

Sheeko:War

Dowladda Shiinaha ayaa go’aansatay inay canshuurta ka yareyso maqaarka dameeraha kaasi oo laga soo dajiyo dekadaha dalkaasi.

Waxaa lagu wadaa in canshuur dhimistaan ay bilaabato bilowga sanadkaan cusub waxaana laga dhigay lacagta canshuurta maqaarka dameeraha 2%, halka awal uu ka ahaa %5, taasi oo keeneysa in maqaarka dameeraha oo shiinuhu kala soo dago qaar ka mida Afrika uu noqdo mid raqiis ah.

Sida ay sheegayaan xog aruurin laga sameeyay Shiinaha waxaa kordhay dalabka maqaarka Dameeraha tan iyo markii laga qafiifiyey canshuuraha,waxaana lagu tiriyaa hilibka dameerka mid asaasi u ah dadka shiinaha.

Waxaa kordhay qiimaha dameeraha wadamo ay ka mid yihiin Afrika gaar ahaan dalka Nigeria halkaasi oo ay dowladda shiinaha u aragtay inay tahay il muhiim ah oo ay kala soo dagi karto dameeraha.

Qaar ka mida dowladaha Afrika ayaa waxay diideen in shiinaha ay u dhoofiyaan dameeraha, arrintaasi waxay keentay in horumar laga dareemo suuqa dameeraha ee dalka Nigeria.

Waxaa aad ulaba-laameyay qiimaha halkii Neef oo dameer ah iyada oo la eegayo dalabkiisa oo batay.

Qiimaha halkii neef oo dameerka ah ayaa ahaan jiray ka hor inta uusan soo dalban dalka shiina qiimo dhan 40 dolar oo mareykanka balse hadda waxaa uu noqday halkii neef qiimo u dhaxeeya 150-200 dollar.

Dowladda Shiinaha ayaa waxay u adeegsataa dameeraha inay ku fasho beeraha sidoo kale maqaarka dameerka ayay ka sameysaa waxyaabaha la isku qurxiyo sida kareemada jirka la mariyo.

Tiro koobyo la sameeyay ayaa waxay cadeynayaan in Shiinuhu uu qalo halkii sano 4 Million oo dameer si uu uga sameeyo waxyaabaha la isku qurxiyo.

Waxaa lagu qiyaasaa dirada dameeraha ee dunida ku nool 50 Million sida ay tilmaameyso hay’adda Thane Donkey Sanctuaray ee xarunteedu tahay UK kuna shaqo leh ilaalinta dameeraha dunida,tirada ugu badan ee dameeraha caalamka ayaa waxay ku noolyihiin dalka Itoobiya.

Waxaa xusid mudan in dowladaha Botswana, Burkina Faso,Mali,Niger, Senegal,Ghana iyo dowlada kale oo Afrika waxay diideen in loo adeegsado waxsoo-saarka warshadaha maqaarka dameeraha.