U bood dhigaalka

Shir Ka Socda Brussels Oo Lacago Loogu Yaboohay Syria

Sheeko:Dalka

Ururada iyo dowladaha ka qeyb galay shirka ka furmay magaalada Brussels, kaasi oo looga arrinsanaayo xaaladda Syria ayaa lacag loogu yaboohay dalkaasi, waxaana lacagta ay gaaareysaa 6 Bilyan oo doolar, iyadoo lacagtaasi la siin doono Syria inta lagu guda jiro sanadkaan si wax looga qabto xaaladaha Bini’aadannimo ee ka jirta wadankaasi.

Magaalada Brussels ee caasimadda Belgium ayuu shirkaan ka furmay waxa uuna socon doonaan muddo dhan Labo maalmood, waxaana deeqo loogu yaboohay waddanka Syria.

Ururka midowga Yurub ayaa waxay sheegeen inay siin doonaan Syria lacago dhan 1,3 bilyan , si wax looga qabto xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira waddankaasi.

Waddanak Syria dagaallada ka jira waxa ay sababeen xaalado adag oo dhanka nolosha ah waxaana sii dheer in qaxootiga Syria ay ku dhibaataysanyihiin dalalka caalamka.

Goobjoog News