U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Is Dhexmarka Dalalka Afrika Oo Ka Furmay Rwanda

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Kigaali ee Caasimada Rwanda ka furmay Wajiga labaad ee Shirka dhamaystirka Hab-maamuuska Qabyo qoraalka isku socodka xorta ah ee Dadyoowga Africa(free movement of person in Africa).

Shirkan ayaa wajigiisa labaad waxaa kaalinta ugu muhiimsan iska lahaa Hay’addaha Socdaalka Afrika ( immigrations Africa ) madama arimaha laga hadlaayo ay yihiin shaqooyinka Hay’addaha Socdaalka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya waxaa shirkaas uga qeybgalay quburo Soomali ah oo ka tirsan HSJ kuna taqasuusay shirciyada iyo hababka socdaalada dunida.

Hadafka ugu dambeya ee laga leeyahay qabyo qoraalkan isku socdka xorta ah ee dadyowga Afrika ayaa ah in dhamaan dalalka Afrika ay isku gudbi karaan iyadoo aysan jirin wax Fiiso ah ama dal-ku gal ah ee lagu soo galayo dalalka afrika.

Dhammaad